Somali: Ka-hortagga cunsuriyadda, jooji heshiiska Tidö

Dawladu waxay la shaqaysaa xisbiga Sverigedemokraterna waxyna fulinaysaa siyaasad cunsurinimo ah

Maanta dalka Iswidhan waxa maamula xisbiyada talada haya ee moderaterna, Krisdemokraterna iyo xisbiga Libaraalka oo la shaqynaya xisbiga Sverigedemokraterna ( xisbi cunsurinimo soojireen ah leh. Heshiiska ay gaadheen waxa la yidhaa Tidö. Waa soo jeedinta xisbiga Sverigedemokraterna ta ugu badan ee heshiiskan ku jirtaa.

Heshiishka Tidö ayaa ah mid isirnacayb ah. waxa uu dadka ka soo jeedda dalaka shisheeye ku shaabadaynayaa in ay yihiin dhibaatada ugu weyn ee Iswidhan haysata- Heshiiskan waxa uu caadi ka dhigayaa oo uu sharciyeynayaa cunsuriyad.

Xisbiga Vänsterpartiet ayaa ka soo horjeeda heshiiska Tidö iyo cadaawada iyo cunsuriyadda ay u qabaan soogelootiga.

Muxuu heshiiska Tidö u yahay mid soogelootiga cadaw ku ah oo cunsuri ah?

  • Aad iyo aad bay u adkaan doontaa in Iswiidhan loo soo haajiro tiyoon loo kala eegay qaxooti, qaraabo ama muhaajiriin shaqo.
  • Waxa yaraan doon xuquuqda magangelyo doonka waxana lagu qasbi doonaa inay ku noolaadaan goobo gaar ah.
  • Sidoo kale waxa adkaan doonta in aad Iswidhan ku sugnaato haddii aad tahay soo-gelooti.
  • Waxa ay noqon doontaa in la kordhiyo kontroolada xuduudaha dhinca gudaha waddanka. Waxa la ururin doonaa oo la kaydin doonaa DNA taas oo la gelin doono diiwaan laga raadin karo.
  • Wax la samayn doon goobo la isku baadho oo ay booliisku awood u yeelan doonaan in ay joojinayaa qofka ay doonaan marka ay doonaan iyada oon shaki dembi jirin.
  • Xoojinta fursadah kontroolada xuduudaha gudaha dalka lagu baadho qofka jirkiisa, boorsooyinkiisa lana faaruqiyo digitaalka meediyah ee ay haystaan.
  • Waxa waajib laga dhigayaa hayadah in ay soo sheegaa haddii ay xidhiidhaan ama ka warhelaan qof aan haysan waraaqaha sharciga ah ee dalka lagu joogi karo.
  • Way adkaan doonan in la helo dhalashada Iswidhiska wayna fududaan doontaa in lagala noqdo sharciga deganaansha iyo dhalashada labadaba.
  • Sharciga deganaasha joogtad ah ayaa la baabiinayaa, waxa fududaan doonta in soo-gelootiga la mastaafuriyo tiyoo loo cuskanayo habdhaqankooda. wax la xoojin doonaa tarxiilka oo ah in halkii ay markii ka yimaadeen dib loogu celiyo.
  • Xuquuda bulsho iyo dhaqaale ee soo-gelootiga ayaa la xadidayaa islamarkaana waxa la soo rogayaa hab qasab ah oo magangelyoonka loo samaysanyo,

Haddii aad rabto inaad ka qaybgasho dagaalka lagula jiro heshiiska Tidö, waxaa lagugu soo dhawaynayaa inaad ku biirto xisbiga Vänsterpartiet: https://malmo.vansterpartiet.se/du-behovs/

Waxaa la idiinka baahan yahay xisbiga Bidixda: Wadajir cadaalad, sinnaan, ka-hortagga cunsuriyadda iyo deegaanka

Vänsterpartiet Malmö

Skapa din hemsida gratis! Denna hemsidan är skapad via Webnode. Skapa din egna gratis hemsida idag! Kom igång