Somali: Heshiiska-Tidö oo luqo bayaan ah ku qoran

Heshiiska-tidö oo luqo bayaan ah ku qoran

Waa nuqul kooban oo ah Heshiiska-tidö oo luqo bayaan ah ku qoran. Ujeedadda qoraalkani waa in la baahiyo aqoonta ku jirta Heshiiska-tidö si loo abaabul iska caabin ama si kale looga hawlgalo soojeedinta ka timid xagga dawladda taas oo ku soo xigtay heshiiska-tidö. Nuqulkan waxa loo turjumay afafka carabiga,ingiriisida, kurdiga beershiga, soomaaliga iyo isbaanashka,

Hordhac

Heshiiska Tidö waa heshiis dhex maray xisbiyada midigta ee ku jira xukuumadda Iswidhishka - Modaraadka, Kiristdemokraadka iyo Liberaalka - iyo Isfeeriyedemokraadka (SD) heshiisku waxa uu fursad fiican siinayaa wada shaqayn firfircoon oo ka dhexaynaysaa xisbiyada. Iyagu waxa ay doonayaan in ay wada shaqeeyaan wakhti dheer mustaqbalka. Iyagu waxa ay doonayaan in ay sameeyaan isbedello waaweeyn oo ay tusaan in ay wada-shaqayntu wax u bedeli karto si dhab ah. Heshiisku waxa uu ka kooban yahay yoolal ama hadafyo yaryar oo badan( yool-hoosaadyo = delmål) si ay xisbiyadu u tusi karaan natiijo dhakhso ah. Sidaa darteed waxa xataa ku taal heshiiska in baadhitaanada kiisaska la keeno soojeedin la fulin karayo ama la isticmaalo habab natiijo aad u saraysa lagu helayo. Waxa ay doonayaan wax kasta in ay wadjir u sameeyaan: in ay helaan waxa ay iyagu mushkilada u yaqaanaan, ay xalkii helaan oo ay fuliyaan waxa ka bedelada ay rabaan. Maadaama aan SD ka mid ahay xukuumadda Iswiidhan, heshiiskan waxa uu aad muhiim ugu yahay xisbigood oo keliya. Xibiga SD waxa uu heshiisku ku magacaabayaa " xibiga wadshaqaynta ee aan xukuumada fadhiyin ama aan ku jirin" Hogaamiyaha xisbigani waxa uu kula jiraa hogaamiyayaasha xisbiyada kale waxa ay ugu yeedhaan " golaha gudaha/ det inre kabinettet"

Waxa la yidhaa Heshiiska-tidöt waayo heshiiska wax lagu qoray qasri ku yaal meel ka baxsan magaalada Våsteråss oo la yidhaa Tidö slott. inkasta oo loogu yeedho heshiis wax ku qoran Heshiiska-tidö ma aha mid sharcigu xidhayo.Waxyaalo badan oo ku jira ayaa laga yaabaa in aan la fulin karin haba yaraatee. Dhaliilo badan ayaa ay u soo jeedinayaan heshiiskan ururada xuquuqda aadamaha, xidhiidhka ururada shaqaalaha iyo xeeldheereyaal ku jira ururo kala duwan oo xirfadlayaal ah. Heshiiskan ayaa kuwo badan ku macneeyeen in uu yahay farriin- syaasadeed halka ay kuwo kalena u arkaan in uu yahay iskuday lagu samaynayo sida siyaasadda loo maamulo isbedel xagjir..

Qoraalkan wax aanu anagu kaga sheekaynaynaa todobada qaybood ee ku jira heshiiska. Ciiwaan kasta horta waxa ku hoos dhigan soo koobid ka dibna qodobo ku saabsan soojeedinta. Mashruuc wadashaqayneed waa eray caadi ah, kaas oo looga jeedo meelaha kala duwan ee xisbiyadu doonayaan in ay isbeddel ku sameeyaan. Sida ay xisbiyadani leeyihiin hadafkoodu waa in ay dhammaantood ku wada jiraan dhamman qaybaha isbeddel, SD wax ay uga hadli kartaa si la mid ah sida xisbiyada kale oo waxa ku qasab ah xisbiyada kale in ay ku wargeliyaan SD wax kasta oo dhaca. SD waxa uu heli doonaa tusaale ahaan in ay ka muuqaan shir-saxaafadeedyada marka soojeedintan la soo bandhigayo. Sannadka hore waxa ay xisbiyadu doonayaa in ay ka hawlgalaan caafimaadka-iyo daryeelka caafimaadka, cimilada iyo tamarta, dembiyada, soo-galootiga, isdhexgalka, dugsiyada, dhaqaalaha iyo dhaqank.

Heshiiska-tidö todobadiis qaybood

1. Caafimaadka iyo daryeelka caafimaadka

Qaybtan caafimaadka iyo daryeelka caafimaadku waxa ay ka hadlaysaa in ay dawladu masuuliyad weyn yeelan doonto oo ay wax badan xakamayn karto ama kontrooli karto." Prestationsbaserad" waa eray muhiim ah oo u dhigmahaddii soomali laga dhigo ( Waxqabad ku salaysan). mcanaheedu waa in isbataalka ama xanaanad miisaaniyad lagu siiyo waxay qabtaan ee aan lagu siin wax ay qorsheeyaan in ay qaqban doonaan. Waxa jiri doonta hay´ad dawladeed oo dhexe, taas oo maamuli doonta daryeelka caafimaadka iyo qorshe qaran oo dhalmada ah (umulinta). Dhammaan waxa ay yeelan doonaan dhakhtar xidhiidhiye ah oo u gaar ah ( qof dhakhtar ah). Kaabayaasha dijitaalka ah ee daryeelka-caafimaadka ayaa isbeddeli doona si loo mideeyo waddanka oo dhan,tusaale farmasiiyada. Cidda ka shaqaysa daryeelka-waayeelka wax lagu samayn doonaa baadhitaanka shuruudaha shaqada.

  • Dawladda ayaa masuul ka noqon doonta daryeelka-caafimaadka oo beddelaysa gobolada.
  • isbdel ayaa ku dhici doona arrimaha khuseeya lacag bixinta iyo tegista dhakhtarka-ilkaha.
  • Waxa isbeddli doona daryeelka-kansarka
  • qorshe ayaa lala iman doonaa si isbeddel loogu sameeyo daryeelka dumarka umulaya ama ilmo dhalay.
  • wax ka beddelaada daryeelka-ilkaha si ay gunooyinku ula mid noqdaan kuwa nidaamka daryeelka-caafimaadka ee kale.
  • shuruuda luqada ayaa lagu soo rogayaa cidda ka shaqaynaysa daryeelka-waayeelka


2. Cimilada iyo tamarta

Qaybtan kale ee heshiiska waxa ay xisbiyadu isku xidheen ficiladda ka hortaga ah ee cimilada lagu wanaajinayo iyo tamarta.Sidaa darteed qaybtani dhammaanteed wax yar mooyaane waxa ay ka hadlaysaa awooda-nuklliyeerka. Xisbiyadu waxay rabaan in la kordhiyo awood nuklieerka. Waxa ay doonayaan in ay beddelaan yoolkii hore oo ahaa in ay Iswiidhan isticmaasho tamar dib loo cusbaysiin karo oo ka imanaysa ilo aan dhamaad lahayn.Taa beddelkeeda waxa ay rabaan iyagu yool ah in la dhaliyo koronto aan foosiil lahayn, taa macnaheedu waa in aan korontada toos looga dhalin shidaalka foosiilka sida saliida, dhuxusha iyo gaaska. Deraasad ku saabsan sidii warshadda nukliyeerka ee Ringhals dib loo hawlgelin lahaa ayaa dhakhso loo fulinayaa. Sharciga "miljöbalken " ee mamnuucayey in la ogolaado in goobo kale oo ka baxasan kuwa hadda jira la dhigo tamar-dhaliyayaasha nukliyeerka oo la haysto in toban ka badan tobanka hadda hawlga ayaa la tuurayaa. Mamnuucii in dib loo bilaabo tamar-dhaliye hore loo xidhay ayaa la tuurayaa, Dawladda ayaa kabid dhaqaale ku bixin doonta warshadah awooda-nukliyeerka. Waxa kale oo jir doona meelo badan oo laga dabeeyo baabuurta korontad ku socota. Marka awooda-nukliyeerka laga yimaado lama sheegin wax kale oo ka hortag ah oo lagu badbaadinayo cimilada,

  • Warshado cusub oo dhaliya awooda-nukliyeerka ayaa la dhisi doonaa,
  • Dib u cusboonaynsiintii tamarta bedlkeedu waxa uu noqon doon tamar aan foosiil lahayn.
  • 400 bilyan ayaa la isticmaali doonaa si loo bilaabo awooda-nukliyeerka mar kale.
  • Waxa la joojin doona in la xidho gebigeedaba warshadda dhalisa awooda-nukliyeerka.
  • Warshadda Ringhals dib baa loo istaadhayaa,
  • Tamar-dhaliyayaashii hore loo xidhay dib baa loo istaadhayaa. maanta waa mamnuuc.

3. Dembiga 

Heshiiska-tidö waxa uu leeyahay in dambi-kooxeedku yihiin dhibaatada-bulsho ee ugu weyn ama ugu muhiimsan Iswiidhan oo waxa ay diirada saarayaan badanaa noocan dambiga ah. Intaa waxa dheer in ay jiraan dhawr dibuhabaynood oo ay rumaysan yihiin in ay yarayn doonaan gacan ka hadalka ka dhex dhac ehelka isu dhow iyo weliba haysashada doroogad iyo hubka. in badan oo dibuhabaynaha ahi waxay ku kooban yihiin dambiyada- dhalinyarad. Guud ahaan wax ay soo jeedinayaa ciqaab dheer oo dhalinyarada dambiga gasha la mariyo iyo weliba fursado kale oo suurtogelinaya in caruurta gacanta lagu dhigo, waa caruurta ka ag dhow falal dambiyeedyad. ma ah bayaan wax uu tan macnaheedu yahay. islamarkaana waxa la soo jeedinayaa in ganaax weyn la siiyo qofk dambi ka gala shaqaalaha dawlada, tusaale booliiska ama kuwa kale ee ka shaqeeya Hay´adaha dawladda. Habka ciqaabta wax baa laga bedelayaa si ay dambiyo badani xabsi u horseedaan oo ay kuwa la xukumaana muddo dheer ugu jiraan xabsiga. Heshiiska waxa ku jira soojeedino badan oo ku saabsan kor ka ilaalina xoogan (basaasid xoogan). Soo-jeedino badani waxa ay ka hadlayaa mastaafurin kadib marka uu dhaco dambi abaabulani. heshiisku waxa uu xataa magacaabayaa ciqaab cusub oo la yidhaa xukunka haynta, taas oo macnaheedu yahay in xoriyadda laga qado muddo aan wakhti go´an lahayn. xukunkan waxa qofka laga saamaxayaa marka ugu horraysa ee loo arko in aanu khatar ahayn. xisbiyadu waxa ay xataa doonayaan in ay kiraysan karaan xabsiyo ku yaal dalal kale, si uu kan Iswidhan lagu xukumay ciqaabtiis ugu guto meel ka baxsan waddanka xuduudihiisa. Sida ay khubaradu sheegeen soojeedimaha qaarkood wax ay ka dhigan yihiin isbeddel weyn oo handadaaya amaanka-sharciga oo qaarkoo ay u baahan yihiin in wax laga bedelo dastuurka si loo fuliyo.

  • in lala joogo kooxaha dambiilayaasha ah waxa ay noqonaysaa mid la isku ciqaabi karo, xataa haddii aanu qofku dambi gelin.
  • Kooxaha dambiilayaasha ahi waxa ay heli doonaa ciqaab labalaaban.
  • Xukun hayn ah ayaa ciqaab ahaan loo soo rogi doonaa. Tan macnaheedu waa in qofku xabsi ku jiro wakhi aan cayinayn ilaa ay kuwa daryeelka dambiyadu u arkaan in aanu ruuxan khatar ku ahay bulshada,
  • Waxa la isticmaali karayaa habab qasab ah oo badan oo sir ah tusaale xog-ururin iyo kamaro ku ilaalin.
  • waxa la soo rogi doon goobo la isku baadho meelaha qaarkood halkaa oo ay booliisku ay eegi doonaan cid kasta wakhti xadidan gudihiisa. Goobaha baadhitaanku wax ay jirayaan oo keliya marka uu xeer-ilaaliyuhu dalbado ka dib marka dambi la galo.
  • Markhaati qarsoon ayaa la ogolaan doonaa. Tan macnaheedu waa in ay dadku ka markhaati furi doonaan maxkamada iyadoon qofka la dacweeyey ama eedaysani ogayn qofka uu yahay ka ku markhaati furay.
  • Mamnuuc joogitaan meeleed ayaa ciqaab ahaan loo soo rogi doonaa. Tan macnaheedu waa in qof laga mamnuuco joogitaanka meel xaafad ah haddii ay maxkamadu samayso qiimayn ah in mamnuucidu baajinayso dambiyo dheeraad ah.
  • Qofka 18 sano buuxiyey ma helayo ciqaab-dhimis..
  • Qadar-dhimis waa la tuuraya. Tani waxay horseedaysaa in qofka lagu xukumo sanado badan oo xabsi ah haddii uu ruuxu galo dambiyo yaryar oo badan isku wakhti.
  • Xadhig ayaa loo dalban karaa dambiyada fudud.
  • Xabsiyad wax laga kiraysan kari doonaa dalalka dibadda.
  • Waxa la dersi doonaa sidii loo mamnuuci lahaa tuugsiga ama dawarsiga.

4. Soogelootiga iyo isdhexgalka 

Xisbiyadu waxa ay doonayaan inay bulshada lagu sameeyo isbeddllo waaweyn tiyoo laga fiirinayo xagga soo-gelootiga. Qodobka soo-gelootiga ayaa ah ka ugu weyn ee ku jira heshiiska, qoraalkiisu labalaab ayuu ka dheer yahay qodobka dambiga oo ah qodobka ugu weyn ee ku soo xiga, Labadan qodob ayaa samaynaya gebi ahaanba heshiiska mudnaantiis ugu weyn.Xisbiyadan iskaashigu waxa ay doonayaan in ay waafijiyaan siyaasadda soo-gelootiga heerka ugu hooseeya ee uu sheegayo sharciga EU. Waxa ay qoreen xisbiyadan isbahaystay: Iswiidhan waa in aanay sinaba u noqon mid ka deeqsisan dalalka kale xagga magangelyada. Xisbiyadu waxa ay doonayaan farsamooyin dheeraad ah oo ka caawiya sidii ay u ogaan lahaayeen qofka aqoonsigiisa, sida hidda sidaha DNA. Waxa ay iyagu doonayaa in uu booliisku kontoroolo tiro badan oo dad ah oo ay u malaynayaa in aanay haysan sharci ay Iswiidhan ku deganaadaan: tan waxa lagu magacaabaa "kontoroolka gudaha dalka ee dadka ajnabiga ah". Iyagu waxa ay doonayaan in ay ku qasbaan ama ay u sheegaan tiro badan oo soo-galooti ah in ay dib ugu noqdaan dalkii ay hore u deganaayeen, waxa kale oo ay adkaynayaan in la yimaado Iswiidhan si shaqo looga raadsado waa waxa loogu yeedho soo-galayti- shaqaalenimo. Waxa kale oo ay iyagu rabaan in ay ku sii adkeeyaan qoysaska kala firidhsani in ay dib u midoobaan. Waxa ay rabaan in magangelyo-doonka lagu qasbo in ay ku noolaadaan xeryo la yidhaa "transitcenter" wakhtiga magangelyada oo ay magangalyo-doonka laftoodu bixiyaan kharashka turjumaanka, qareenka, cuntada iyo hoyga. Islamarkaana waxa ay rabaan in aanay kuwa magangelyo-doonka ahi shaqayn karin inta kiiskoodu socdo. Waxa ay rabaan iyagu in ay fududeeyaan sidii loo mastaafurin lahaa qofka wadani- shisheeye ah si aan ugu noolaan sida ay xisbiyadu rumaysan yihiin in uu qofku u noolaan doono, waa sida lagu magacaabo"vandelskrav". Tusaale waxa ay doonayaa in ay mastaafurin karaan dumark loo isticmaalo in ay jirkooda gadaan. Waxa meesha laga saaraya ruqsada joogtada ah ee deganaansha oo wax loo fududaynayaa hay´ada soctaalka in ay dib ula noqoto ruqsadahii deganaansha ee hore loo bixiyey.Waxa ay iyagu doonayaan in aad iyo aad loo adkeeyo in la helo dhalashada Iswidhan iyaga oo shuruud ka dhigaya in qofku garanayo luqada iswidhishka, aqoona u leeyaha bulshada iswidhishka oo uu ku noolaa dalkan Iswidhan 8 sano. Qofka ka soo baxa shuuradaha ayaa laga yaabaa in uu helo dhalashada Iswidhan. Shuruudo culus ayaa la duldhigayaa wadaniyiinta ku dhashay dal shisheeye oo ah in ay iyaga laftoodu qaadaan masuuliyada si ay ula qabsadaan ama u dhexgalaan Iswidhan (siyaasadda isdhexgalka oo ku salaysan shuruud). Tan macnaheedu xataa waa in ay shardi ka dhigaan in soo-galootigu shaqayn doonaan oo ay cashuur bixin doonaan ka hor inta aanay helin daryeel. Taas oo ka dhigan tusaale ahaan in dadka naafada ah qasab ku tahay in ay shaqo raadsadaan si ay u helaan xaqa ay u leeyihiin gargaar maalinle ah.

  • Waxa la soo rogayaa siyaasadda-socdalka ee EU heerka ugu yar.
  • Xuquuqda habka magangelyada ayaa la diciifinayaa. Waxa ay doonayaa in waxyaalo badan oo sii xumayn ah la soo rogo, tusaale in magangelyo-doonku bixiyo kharashka turjumaank, qareenka, cuntada iyo hoyga.
  • Waxa adkaan doonta in xoogsatada soo- galaytida ahi yimaadaan dalkan.
  • Waxa adkaan doonta in qofku qoyskiisii dib ula midoobo.
  • Dad soogala Iswidhin ayaa loo sheegi doonaa in ay dib ugu noqdaa dalkoodii hooyo ee hore .
  • Tirokoobka dadka ayaa la samayn doonaa. Kuma taal sida loo fulinayo laakiin dhammaan waa la tirin doonaa si loo ogaado qofka sharci ku jooga Iswidhan.
  • Muddoda cayiman ee go´aanka mastaafurint ama diidmada lagu gaadho ayaa la dheerayn doonaa ama la baabiin doonaa. Taas oo macnaheedu yahay in dawladu haysato wakhti dheer oo ay ku go´aamiso mastaafurin, taas oo sababaysa in aanu ruuxa go´aanka sugayaa tusaale ahaan: shaqo raadsan karayn
  • Mamnuucidda dib ugu soo noqoshadu waxay jiri doontaa wakhti dheer, haddii aan qof ka bixin waddanka markii la yidhi ka bax looma ogalaan doono in uu dib u soo noqdo muddo ah wakhti dheer.
  • Hay´adahu aad bay u wada shaqyn doonaan si dadka loo mastaafuriyo.
  • Meelo badan oo dalka gudihiis ah oo dadka ajnebiga ah lagu kontroolo ayaa la samayn doono. Fursad ah in DNA lagu qaado kontooladan ayaa la dersi doonaa.
  • Warbixin-waajib ah ayaa la soo rogi doonaa, markaas oo ay hay´adaha dawlliga ah iyo kuwa aan dawliga ahaynba wargelin doonaan boliiska iyo imigaraashinka haddii ay la xidhiidhaan qof aan haysan ruqsadda joogitaan ee Iswidhan.
  • Goobaha dadka lagu hayo ee imigareeshinku leeyaha ayaa sii kordhaya taa waxa raacaya in la koordhiyo kor ka ilaalinta qofka sugaya go´aanka mastaafuriska in la fuliyo.
  • Saami yar oo qaxooti ah ayaa la soo qaadan doonaa sannadkii (900 halkii ay ka ahayd 5000 markii hore). Marka qaxooti la soo qaadayo waxa shardi ahaanaysa " qiimaynt Iswidhishka. Dadka-HBIQ, dumarka iyo hablaha si gaar ah ayaa loo xusay.
  • Si loo helo daryeel waa in uu qofku horta ka shaqeeyaa Iswidhan oo uu cashuur ku bixiyaa waddankan.Tan wax lagu magacaabaa in uu qofku isu diyaarinayo sidii uu ugu qalmli lahaa daryeelka ay ka mid yihiin lacagta caruurta, lacagta kabista guriga, lacagta waalidka, lacagta kaalmada iyo caawinta dhaqaalaha.
  • Degmooyinku waxa ay mamnuuci doonaan in ay siiyaan dhaqaalaha caawinta kuwa aan waraaqaha sharciga haysan.
  • Demooyinka iyo hay´adaha dawliga ah waxa ku waajibi doonta in ay wargeliyaan imigareeshinka iyo maamulka booliiska marka ay la xidhiidhaan qof Iswidhan jooga oo bilaaa ruqsad ah. Taas macnaheedu waa in hay´addii uu qofku la kulmilahaa ay yeelanayso masuuliyad ah in ay xaqiijiso in uu qofkaasi uu sharci ahaan xaq u leeyaha in uu joogo Iswiidhan.
  • Ciqaabta ayaa lagu kordhinayaa guur-badanaha ( qof dhar qof qaba) iyo caruur u guurinta.
  • Markasta mastaafuris ayaa lagu deyayaa marka qof ajnebi ah dambi lagu dacweeyo. Taa macnaheedu waa in maxkamadu mar kasta mudnaanta siiso mastaafurinta haddii qof aan haysan dhalashada Iswidhan dambi ku dhaco. Taas macnaheedu waa in xadididda sharci ee mastaafurinta hoos loo dhigi doono ama la debcin doon.
  • La shaqaynta dalalka qalaad ayaa kordhi doonta si natiijol waxtar le loo gaadho, waxa arrinta loo isticmaali doonaa siyaasadda-gargaarka.
  • Deraasad ayaa lagu eegi doonaa haddii ay suurtagal tahay in dib loola noqodo ruqsada rasmiga ah joogitaanka Iswidhan. Tani waxay ku dhici karaysaa tusale ahaan in qofka la sugayo in uu soo dalbado dhalasho-iswidhish ah ama dalka debadda uga baxo..
  • Waxa adkaan doonta in la noqdo waddani Iswidhish ah. Shuruud baa lagu xidhi doonaa ah: inuu qofku garanayo luqada iswidhishka oo uu aqoon u leeyaha bulshada Iswidhan oo uu ku noolaa Iswidhan ugu yaraan 8 sano.
  • Xaqa loo leeyahay turjumaanka ayaa laga xaddidi doonaa dadka haysta ruqsadda deganaansha iyo dhalashada Iswidhan.

5. Dugsiga 

Qodobkan dugsia ku saabsani waxa uu ka hadlayaa in aqoonta sare loo qaado. Wakhtiga dugsiga la dheereeyo oo caruurtu waxa ay baran doonaa xaqiiqo badan oo waxa ay heli doonaan aqoonta-maadada oo badan. Xisbiyadu waxa ay doonayaan in ay bedelaan nidaamka shahaadadda. Hantiilaha dugsiyada gaarka loo leeyahay ma heli doonaan macaash sannadaha ugu horreeya. Maalgelin dheeraad ah ayaa lagu samayn doonaa macalimiinta waxbarista-gaarka ah.Xisbiyadu waxa ay doonayaa inay soo rogaan xeerar muuqda si looga abuuro nidaam iyo kala dambayn fasalka dhexdiisa.

  • Lacagta dugsiga wax bixin doonta dawlada oo bedelaysa degmad. Lacagta dugsiga waxa looga jeedaa in dugsiga loo maalgeliyo calaa arday halkii laga siin lahaa lacag kuusan.
  • Nidaam cusub oo shahaadada ah ayaa la soo rogi doonaa.
  • Waxa diiradda la saari doonaa aqoonta xaqiiqada/ aqoonta faagtada.
  • Faa´iido qaybinta ayaa la mamnuuci doonaa sanadaha ugu horreeya kadib marka dugsi cusub la furo ama hantiiluhu isbedelo,
  • Xeer-nidaamiyeyaal badan ayaa dugsiga lagu soo rogi doonaa.
  • Ardayda oo dhammi waxa ay siyaado u baran doonaan luqada Iswidhishka iyo xisaabta.
  • Macalinka ayaa awood u yeelan doona go´aaminta in ardayda qaarkood qasab ku dhigtaan dugsiga wakhti dheer, marka dugsiga laga rawaxo ama xilliga fasaxa.,
  • Ardayda ayaa dugsiga laga joojin doonaa wakhti dheer oo ka dheer inta imika suurtagalka ah.
  • Maamulayaasha dugsiyadu wax ay heli doonaan awood loo sii kordhiyey si ardayda u geeyaan kooxaha gaarka ah ama wax loo yaqaan dugsiyada-heeganka halkaas oo aan loo ogolay in ay la kulmaan fasalkoodii caadiga ahaa.
  • Macalinka waxa waajib ku noqon doona in uu soo sheego dhammaan ficilada uu u fahmo in ay dambi yihiin ee lagu galo dugsiga ama agagaarka la xiriira dugsiga.

6. koboca iyo dhaqaalaha qoyska

Siyaasaddan dhaqaalahu waa ta caanka ah ee midigta ku jihaysan. Tani shirkadaha ganacsiga ayey u sahli doontaa shaqadooda, waxayna ku sii adkaynaysaa dadka u baahan caawin dhaqaale islamarkaana cashuurta ayaa la dhimi doonaa. Xataa cashuurta kaydka ayaa la dhimi doonaa. In lacagta "A-kasan" la dhimayo kuma taal Heshiishka-tidö laakiin waxa laga sheegay shir-saxaafadeed markii Heshiiska-tidö la soo bandhigayey. Qoyska waxa laga kabayaa qiimaha korantada ee sarreeya oo qiimaha shidaalkana xoog baa loo dhimayaa, sida waajibka dhimista loo fulinayo waxa ka mid ah shidaalka foo´siilka oo la dhimi doono ilaa heerka ugu hooseya ee dalalka EU.

Cashuuridda shirkadaha ganacsigu waxay noqon doontaa tartan oo shirkadda ganacsigu waxa ay heli doontaa dhiirigelin fiican si ay u maalgeliso cilmibaadhista, waxa kale oo la siinayaa fursado sii fiican oo ay ku soo jiitaan kuna haystaan kartid muhiim ah. Duruufaha ku xeeran ganacsatada yaryar iyo kuwa dhexe in ay kobcaan oo ay cid shaqaalaysiiyaan ayaa sii fiicnaan doona.

  • Shuruudo adag ayaa lagu xidhi doonaa daka u baahan caawimo ee xaq u leh taageerada dhaqaaaha ee adeega-sooshiyaalka. Waxa jiri doona heer aanay taageeradu sare u dhaafi karin oo kuwa taageerada dhaqaale xaq u lehi waa in ay ka qaybqaataan hawlaha bulshada ee muhiimka ah si ay u heli karaan taageero-dhaqaale .
  • Caymiska-jirradu waxa uu siin doona xasilooni-dhaqaale kuwa aan jirro darteed shaqayn karin.
  • Cashuurta shaqada waxa laga dhimi doonaa kuwa qaata dakhli hooseeya ama dhexdhexada ah.
  • Cashuurta lacagta hawlgabka waa la dimi doonaa.
  • Cashuurta kaydka waa la dhim doonaa
  • Cashuurta shidaalka waa la dhimi doonaa.

7. Su´aalo kale

Qodobkan ugu dambeeyaa ee heshiiska ku jiraa waxa uu ka hadlayo waxa ka mid ah warbaahinta/meediyaha, dhaqanka iyo ilmo iska soo ridid. Xorriyada warbaahinta iyo kala duwanaansha ayaa la sahli doonaa. Adeega bulshadu wuu madaxbanaanaan doonaa oo maaligelintiisa xilliga- fogna way jiraysaa. Sida ku jirta warbaahinta cusub qaarkeed shaqada adeega bulshadu waxa ay u baahan tahay in la horemariyo iyada oo ah qayb ka mid ah kaabayaasha dimqraadiyad. Saamaynta siyaasadeed ee nuxurka dhaqanka ayaa yaraan doona. Dhaqan-iswidhish xoog leh ayaa iman doona.

  • Adeega bulshada: warbaahinta madaxbanaan ayaa joogi doonta oo maaligelinteeda mustaqbalka sideedaa loo daynayaa.
  • Talaabooyin ka hortag ah ayaa la qaadi doonaa si loo yareeyo saamaynta siyaasadeed nuxurka dhaqan.
  • Dhaqan-iswidhish xoog leh ayaa la keeni doonaa. Tani waxa macnaheedu yahay in ay dawladu keenayso oo soo xulayso waxa ay iyagu u arkaan in uu yahay dhaqan muhiim ah. Xulkaa ayaa hadow matalaya dhaqank iswidhishka

Skapa din hemsida gratis! Denna hemsidan är skapad via Webnode. Skapa din egna gratis hemsida idag! Kom igång